Q.M: Maxaabiista Syria

Lahaanshaha sawirka AFP

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Syria inay dhaqso u sii deyso kuwa xabsiyada ku jira ee si nabad ah u soo bandhigay fakarkooda.

Madaxa xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay, Zeid Ra'ad Al Hussein, ayaa sheegay ilaa markii ay bilaabmeen dibadbaxyada looga horjeedo taliska afar sano ka hor inay suurgal aheyd in boqolaal kun xabsiyada la dhigay.

Wuxuu sheegay inay tani welwel leedahay marka la ogaaday xaaladda xun ee ay ku jiraan maxaabiista.

Al Hussein ayaa ka hadlay warbixinada adeegsiga qolalka jirdilka iyo su'aalo weydiinta aadka u xun.