Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waddani: Xukuumada ma aqoonsani wixii ka dambeeya 2015

Mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, ayaa ka digay in dib loo dhigo xilliga doorashada Somaliland, oo uu sheegay in uusan aqoonsan doono sharcinimad xukuumadda iyo golaha wakiilada wixii ka dambeeya 26-ka June, 2015.

Digniintan, ayaa waxaa soo saaray gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO, oo Maanta shir ay isugu yimaadeen hotel maansoor boqolaal ka tirsan laamaha xisbigaasi iyo dad kale oo lagu soo casuumay ka hadayay.