Niger: Baroordiiqda dhimashada 37

Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqaday sadax maalmood oo baroordiiq ah kadib markii duqeyn diyaaradeed ay tuulo ku dishay sodon iyo todobo ruux.

Dowladda ayaa bilowday baaris la xiriirta cidda laheyd diyaaradda weerarka ka geysatay tuulada Abadam oo u dhaw xadka ay la eedahay Nigeria.

Dadka waxyeeladu gaartay ayaa aas iigu yimid markii ay diyaaradda duqeysay. Militeryga Nigeria waa beeniyeen in diyaaradahood ay ku lug lahaayeen weerarka.

Dhowr dal oo gobalka ayaa qeybgalaya weererka lagu hayo Boko Xaraam, waxayna weriyayaasha sheegayaan inay suurgal tahay in weerarka uu ahaa mid la sii doortay.