Thailand oo mamnuucday dumarka dhalmada loo kireysto

Thailand Lahaanshaha sawirka
Image caption Thailand waxaa ku soo batay dumarka loo kireysto inay ilmo dad kale u dhalaan

Thailand waxaa laga ansixiyay sharci ka manuucayo dadka ajnebiga inay kireystaan dumarka dalkaasi si ilmo loogu dhalo.

Arrintan ayaa ka dambeysay muran ballaaran oo ka dhashay dad kiraystay dumarka dalkaasi si ay ugu dhalaan kaddibna diiday inay qaataan ilmihii loo dhalay.

Sanadkii tegay waxaa muran weyn dhaliyay wiil xanuun ku dhashay oo looga tegay hooyadii loo kireystay inay ilmo dhasho.

Hooyada dhashay wiilkaasi ayaa sheegtay in waalidiintii wiilka oo reer Australia ah ay ka tageen kaddib markii xanuun ay ku hubsadeen, iyagoo qaatay gabar ay mataano ahaayeen.

Arrintan ayaa sii xumaatay markii ay soo baxeen warar sheegayay in nin u dhashay dalka Japan uu adeegsaday dhowr dumar ah oo reer Thailand ah, kuwaas oo dhamaantood ilmo u dhalay.

Dalka Thailand waxaa dhawaanahan ku soo batay dumarka loo adeegsado inay dad kale ilmo u dhalaan.