Alshabaab oo weerar ku hanjabtay

Image caption Kooxda Alshabaab.

Xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka ayaa sheegay inay u qaadanayaan arin adag qatarta Alshabaab inay weerar ku qaado Maraykanka, Canada iyo Britain.

Waraysi uu telefishin siiyay ayuu Jeh Johnson sheegay inay soo baxaysay qatarta Alshabaab, oo hada ku baaqaysa in dad madaxbanaan ay qaadaan weerarka.

Ammaanka ayaa la adkeeyay gobolka Minnesota oo ay degan yihiin Soomaalida ugu badan Maraykanka.

2013 Al-shabaab weerar ay ku qaaday xarunta dukaamaha ee Westgate ee Nairobi ayaa waxaa ku dhintay in kadan lixdan qof.

Dowladda Djibouti ayaa sidoo kale xirtay xuduuda ay la leedahay Somaliland ammaan dartii.