Qoysas ka walwalsan gabdhahooda oo ''kubiiray IS''

Qoysaska seddax gabdhood oo arday ahaa oo la rumaysanyahay in ay ka safreen London si ay Daacish ugu biiraan ayaa waxa ay ka dalbadeen gabdhahooda in ay soo noqdaan.

Gabdhahani waxaa markii ugu damabaysay la arkay horaantii isbuucan iyagoo ka safaraya garoon diyaradeed oo ku yaala London kuna sii jeedo dalka Turkiga.

Saddexda gabdhood oo dhamaantood wax ku bartay iskuul ku yaala xaafadda Bethnal Green ee bariga London ayaa waxa ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Gatwick waxayna u duuleen Turkiga.

Raisalwasaaraha Britain David Cameroon waxa uu sheegay in dowladda ay sameyn doonto wax kasta oo suurtagal ah si dib loogu soo celiyo gabdhahaasi.

Waxa la rumaysanyahay in da'yar badan oo ka tagay Yurub ay ku biireen kooxdan Daacish oo gacanta ku haysa dhul balaaran oo Suuriya iyo Ciraaq.