Faransiiska: Lix laga qaaday baasabooro

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boliiska Faransiiska.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa markii ugu horaysay ka qaaday baasabooradii lix qofood oo lagu eedaynayo inay qorshaynayeen inay aadaan Suuriya si ay ugu biiraan mintidiinta.

Bixitaan kooda ayaa la aaminsanaa inay dhacayso. Talaabadan ayaa ka mid ah sharci cusub oo looga hortagayo argagixisada oo soo baxay November.

Ra'iisalwasaaraha Faransiiska Manuel Valls, ayaa sheegay inay suurtogal tahay in dad kale laga qaado baasabooradooda.