Suuq ku gubtay Muqdisho

Image caption Dab ayaa inta badan ka dhaca shidaalka lagu kaydinayo baqaarada.

Dabka ayaa ka dhashay baqaarada lagu kaydiyo shidaalka ee suuqa Black Sea ee xaafada Hawlwadaag

Waxaa uu ka mid yahay suuqyada ugu waawayn ee dhinaca shidaalka Muqdisho, kadib markii ay burbureen kaalimadii shidaalka magaalada oo hadda dib u soo noqonaya.

Waxaa ku gubtay baqaaradiii shidaalka, iyadoo kooxaha dabdamiska ay ku guulaysteen inay dabka damiyaan.