Hanjabaada Shabaab oo "dhab" loo qaatay

Al-Shabaab
Image caption Ururka Al-Shabaab ayaa ku hanjabay inuu weerari doono Maraykanka iyo Yurub

Maraykanka ayaa sheegay inay dhab u qaadanayaan hanjabaadda ururka Al-Shabaab ee ah in ay weerari doonaan suuqyada Maraykanka, Canada iyo Britain.

Xoghayaha amniga gudha ee Maraykanka Jeh Johnson ayaa sheegay inay sugayaan ammaanka suuqyada dalkaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa muuqaal uu soo saaray ku hanjabay inay weerari doonaan suuqyo waaweyn oo ku yaalla Maraykanak iyo Yurub.

Johnson ayaa sheegay in haatan ay dowladdiisu qiimeyn ku samaynayso hanjabaadda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay ammaanka gobolka Minnesota, halkaas oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan.