Boqol Itoobiyaan ah oo Nairobi lagu xiray

Image caption Ragga Itoobiyaanka ah ee Nairobi lagu qabtay

Boqol ah rag u dhashay dalka Itoobiya ayaa maanta la hor keenay maxkamad ku taalla magaalada Nairobi, iyaga oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah ku joogeen dalka Kenya.

Raggan ayaa waxaa ka muuqday daal iyo rafaad badan, waxaana markii maxkamada la hor keenay dhulka ku dhacay oo suuxay labo ka mid ah.

Booliska ayaa sheegay in raggan ay xalay kasoo qabteen deegaanka Tasia ee duleedka Nairobi, iyaga oo ku dhuumanaya labo qol.

Madaxa waaxda booliska Kenya ee ka hortaga dembiyada, Noah Katumo, ayaa BBC-da u sheegay, in raggan ay yihiin soo galooti sharci darro ah, ayna ku socdeen dalka Koonfur Afrika.

Dacwadooda ayaa bilaaban wayday, kaddib markii la waayay qof u turjimo, maadaama aanay ku hadli luuqad aan Amhari ka ahayn.

Waxaa la filayaa in maxkamadeyntooda ay dib u bilaabato maalinta beri ah.