Dib u dhiska dhaqaalaha Sierra Leone oo laga shiray

Lahaanshaha sawirka
Image caption Caruur ku ogoontowday cudurka Ebola

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sierra Leone, ayaa sheegay in hannaanka dib loogu dhisayo dhaqaalaha dalkiisa, aanu sugi karin ilaa iyo inta uu ka dabar go’ayo cudurka Ebola.

Samura Kamara ayaa BBC-da u sheegay in kobaca dhaqaalaha dalkiisa uu keeni doono kharashaadka loo baahan yahay, si loo tayeeyo adeega caafimaad ee dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray in Sierra Leone ay cashar ka baratay cudurka Ebola, loona baahan yahay in maalgalin ballaaran lagu sameeyo adeega caafimaadka ee dalkiisa.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada London uu ka dhacay, shir looga arrinsanayo dib u dhiska dhaqaalaha Sierra Leone, oo kasoo kabanayay dagaal sokeeye markii uu dalkaasi ku dhuftay cudurka Ebola.