Saddex lala xiriiriyay Daacish oo lagu xiray USA

Daacish Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maraykanka ayaa lagu xiray dad la sheegay inay doonayeen inay ku biiraan Daacish

Mareykanka ayaa lagu xiray saddex nin oo ajnebi ah oo ku nool Brooklyn, kuwaasi oo saraakiisha FBI-du sheegeen in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish.

FBI-da ayaa sheegtay in labo ka mid ah raggaasi ay ku hanjabeen in ay dilayaan xubno ka tirsan booliska iyo FBI-da mareykanka haddii ay u suurtagali weydo in ay u safraan dalka Suuriya.

Raggani ayaa laga shakiyay kaddib markii bilo ka hor ay qoraal ku daabaceen bog internedka ah, iyagoo adeegsanayo luuqadda usbeegga ee looga hadla dalka Uzbekistan.

Sida ay FBI-du sheegtay boggaasi ayay raggani ku daabaceen warar sheegayay in ay dilayaan madaxweynaha mareykanka Barack Obama.

Saddexdani nin oo labo ay u dhalatay Uzbekistan midna u dhashay Kazakhstan, ayaa lagu soo eedeeyay in ay isku dayayeen in ay taageero siiyaan koox argagixiso ajanabi ah.