Lebis qaali ah oo Lupita Nyongo laga xaday

Lupita Nyongo ayaa laga xaday lebis qaali ah oo laga bixiyay 150,000 oo doollar oo ay xirnayd markay bixineysay abaalmarinta Oscar.

Waxaa u ahaa mid ka mid ah labiska ugu soo jiidashada badnaa xafladdii lagu bixinayey abaalgudka xagga fanka ee sanadkan.

Waxaa ku xardhanaa 6,000 oo xabbo oo luul ah, qiimihiisuna waxaa uu ahaa 150,000 oo Doollar.

Lupita Nyong’o waxay bixinaysay jaa’isad, kaddib markii ay sannadkii hore ku guulaysatay Abaalgudka Oscar ee filimka 12 years of Slave.

Waxaa looga qaatay qolka hotel ay degganayd oo ku yaalla London, galbeedka Hollywood.

Qof kalkaaliye u ahaa ayaa warbixinta maqnaanshaha dharkaas u gudbiyey madaxda amaanka ee Los Angeles 3 maalmood kaddib markii la bixiyey Oscar-ka,

Boliiska ayaa haatan baaraya sida ay wax u dhaceen.