Dhimashada Ciraaq oo kordhaysa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Qaraxyada ayaa Ciraaq mar walba ka dhaca.

Tirooyinka dhimashada ee bisha Fabaraayo oo keliya waxay muujinayaan in ammaanka dalka Ciraaq uu yahay mid walaac aad u weyn uu ka jiro.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in magaalada Baqdaad iyo deegaannada kudhow ay yihiin kuwa ay sida ugu ba'an u saameysay ammaan darrradu iyadoo dad ka badan 300 oo rayid ah lagu dilay, in ka badan 800-na lagu dhaawacay.

Waxay Qaramada Midoobay sheegaysaa in dagaallamayaasha Daacish ay sii wadaan inay si ula kac ah bartilmaameed uga dhigtaan dadka reer Ciraaq oo dhan.

Hay'addu waxay sheegtay in dilal aargoosi ah oo ay geystaan kooxo hubaysan oo ku sugan deegaanno dhawaan laga xoreeyay Daacish ay gacan ka geysatay sare u kaca dhimashada.

Bishii la soo dhaafay, dowladda Ciraaq waxay amartay in baaritaan lagu sameeyo eedaha ku saabsan dad Sunniyiin ah oo ay xasuuqeen maleeshooyin Shiica ah ee gobolka Diyaala.

Dilalka la sheegay waxay dhaceen iyadoo maleeshooyinka Shiicadu ay ka barbar dagaallamayeen ciidammada Ciraaq si dagaallamayaasha Daacish looga saaro gobolka Diyaala.