Ciidamada Ciraaq oo ku duulaya Tikrit

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Daacish ayaa dagaal kula jirto dowladaha Ciraaq iyo Suuriya

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Xaydar Alcabadi ayaa sheegay in ciidamada dwoladda ay ku duulayaan magaalada Tikrit oo ah meesha uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Saddam Xuseen.

Xoogagga dowladda Islaamka ama Daacish ayaa xagaagii hore qabsadeen magaaladaasi, dowladda ayaana ku guuldareysatay inay dib u qabsato Tikrit.

Asigoo ka hadlaayay magaalada deriska la ah ee Samarra, Mr Cabadi waxa uu kooxdan Sunniyiinta ah ugu baaqay inay hubka iska dhigaan dowladdiisana isu dhiibaan si aysan shacabka dhibaato u gaarin.

Kumannaan Shiico ah ayaa isu diyaarinaya inay caawiyaan ciidamada dowladda.

Laakiin iskooxeysigan noocaan ah ayaa la sheegayaa inay keeneyso in caqiidada la isu laayo.

Ciraaq oo garab ka heleysa dalalka reergalbeedka iyo Khaliijka ayaa dagaal adag kula jirto ururka Daacish oo dhul ballaaran hadda maamula.