Natenyahu oo US u tagay inuu ka hadlo Iiraan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Khilaaf adag ayaa hadda u dhexeeya Obama iyo Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Mareykanka si uu khudbo dood dhalisay ugu jeediyo congresska Mareykanka.

Khudbadaas ayaa la filayaa inuu uga hadlo sida uu uga soo horjeedo heshiis macquul ah oo laga yaabo in laga gaaro barnaamijka nukliyerka ee Iiraan.

Hadalkan oo uu jeedin doono Talaadada ayaa waxaa qabanqaabiyay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga iyagopo aan la tashan Aqalka Cad, taas oo muqgdi gelisay xiriirka labada dhinac.

Mr Netanyahu waxaa uu khudbadan u adeegsan doonaa inuu ku dhiirageliyo inay soo saaraan sharciyo lagu cunna qabateynayo xukuumadda Tehran.

Balse, Madaxweyne Obama ayaa ku hanjabay inuu codka Veto saarayo xeerarka noocaas ah, taas oo carqaladeyn karta wadaxaajoodka Nukliyerka Iiraan.