Iran oo gargaar u dirtay Yemen

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Banaanbaxa Yemen

Diyaarad laga leeyahay dalka Iran ayaa ka soo degtay magaalo madaxda Yemen ee Sanca markii u horaysay sanado badan.

Diblomaasiyiin sare oo reer Iran ah ayaa ka hortagay, si ay u soo dhaweeyaan diyaarada oo timid toddobaadyo kadib markii ay Shiicada Xuudiga magaalada .

Diyaarada ayaa waday gargaar caafimaad iyo shaqaale Bisha Cas ee Iran.

Wakiilo Xuuthi ah ayaa u duuli doona Iran toddobaadkan. Madaxweynaha Yemen iyo wasiiro qaarkood ayaa ka tagay Sanca markii Xuutiga uu qabsaday, si ay uga sameeyaan dowlad magaalada Cadan.