Xuseen Radjabu oo xabsiga ka baxsaday

Image caption Xuseen Radjabu ayaa xabsiga ka baxsaday.

Mid ka mid ah mucaaradka Burundi Xuseen Radjabu ayaa ka baxsaday xabsigii isaga iyo dhowr qof.

Ma cada sida uu uga baxsaday xabsiga. Waxaa lagu xukumay saddex iyo toban sanno kadib markii lagu helay danbi inuu xukunka ka ridi rabay dowladda. Intaan la xirin 2007dii Hussein Radjabu ayaa ahaa nin xiriir dhow la leh madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza iyo gudoomiyaha xisbiga talada haya.

Arrinta ayaa timid iyadoo ay xiisad siyaasadeed ka jirto Burundi inta aan la gaarin doorashada la qaban doono sanadkan.