Shir ku saabsan Ebola oo Brussels ka furmaya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ebola ayaa weli lagula dagaalamayaa dalaka galbeedka Afrika

Madaxweynayaasha seddaxda dal ee uu ka dilaacay cudurka Ebola ayaa ku sugan magaalada Brussels si ay uga qeybgalaan kullan caalami ah oo lagu uruurinayo dhaqaale lagula dagaallamo caabuqa loogana hadlo sida looga soo kabsankaro.

In kabadan 9,700 oo qof ayaa u dhimatay xanuunka, ku dhowaad 24,000 oo qof oo ku nool dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Guinea, ayuuna ku dhacay cudurka.

Waxa uuna noqday markii ugu dhimashada badneyd uguna faafida badnaa taariikhda cudurkan Ebola.

Kani waa kullankii labaad oo heer caalami ah oo la yeesho lix bil gudahood, kaas oo ay marti geliyeen midowga Yurub, si looga munaaqashooda jawaabta Ebola laga bixiyay.

Waxa ay imaaneysaa xilli tirade kiisaska cusub ay hoos uga dhacday seddaxda dal ee cudurka uu naafeeyay ee kala ah Liberia, Sierra Leone iyo Guinea.

Madaxweynayaasha seddaxdan dal waxa ay si wada jir ah uga hadli doonaan in laga baxo gargaarka degdegga ah oo ay u gudbaan ka soo kabasho.

Waxaa diiradda lagu hayaa sidii loo sameyn lahaa qiimeyn ku saabsan waxa lagu guuleystay, sidoo kale in laga doodo meelaha u baahan in latalin iyo awood siin loo sameeyo sida waxbarashada, dhaqaalaha iyo hannaanka caafimaadka.