Obama iyo Netanyahu oo isku khilaafay Iiran

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Netanyahu ayaa Mareykanka tagay asigoo aan wargelin Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in uu jiro khilaaf muuqda oo dowladdiisa kala dhexeeya Israa'iil, kaas oo ku aaddaan qaabka ugu wanaagsan ee looga hortagayo in Iran ay hesho hubka nuclear-ka.

Obama oo hadlay ka hor khudbadda uu Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, u jeedinayo aqalka Congress-ka, ayaa intaa ku daray in aanu rumeysneyn in khilaafka uu si joogta ah u waxyeeleyn doono xiriirka labada dal.

Mr Natenyahu ayaa Waxa uu aad uga baqayaa in Iiraan loo ogolaado inay noqoto dal nukliyer haysta oo barnaamijkeeda ay siiwado.

Laakiin Mr Obama ayaa sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay ka walaacdo in Iiraan ay Nukliyerka sameysato.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in booqashada Benjamin Netanyahu ee Mareykanka lagu soo beegay xilli aan munaasab ahayn.

Mr Obama ayaa doonaya in mudo 10 sano ah la xayiro barnaamijka nuclear-ka Iran, halka Israa'iil ay rumeysan tahay in sii jiritaanka warshadaha nuclear-ka ee Iran ay khatarteeda leedahay.