Midab kala sooc lagu eedeeyay askarta US

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Dadka madowga ah ayaa dibad baxyo dhigay

Waaxda garsoorka ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay in booliska magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ay si joogta ah u adeegsadeen midab kala sooc.

Baaritaa ay soo saareen ayay ku sheegeen in arrintan ay xigtay toogasho uu nin boolis ah ku dilay wiil madow ah oo aan hubeysneyn, taasoo sanadkii hore ka dhacday magaalada Ferguson.

Dilka Michael Brown ee bishii August ee sanadkii hore waxa ay dhalisay qalalaaso ka dhacay magaalada.

Go’aan la soo saaray bishii November ayaa sheegay in aan tallaabo laga qaadeyn askeriga dilka geystay, ayaa dib u qarxiyay dibad baxyo iyo qalalaaso ka dhacay qeybo ka mid ah Mareykanka.

Taasi jawaabteeda, waaxda cadaaladda waxa ay bilowday baaritaan ku saabsan xuquuqda rayidka, taas oo gebagebadeeda aysan sahlaneyn.

Waxa u soo baxday in laanta booliska, xabsiga degmada iyo saraakiisha Maxkamadda ay muujiyeen midab kala sooc aan loo kala harin.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in baaritaanka lagu ogaaday in ciidamada ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah oo aan sax ahayn oo ka dhan ah dadka madowga ah, sidoo kalena lagu eedeeynayay dembiyo aan sidaa u weyneyn.

Qaar ka mid ah eedahaasi waxa ay huriyeen in la dulsaaro canshuuro ama ganaax aan ka mid ahayn badbaada shacabka.

Waaxda cadaaladda, sidoo kale waxa ay ogaatay in dadka African American ka ah in boqolkiiba 68 ay u badan tahay in dacwadaha ay qabaan ay maxkamadaha tuuraan marka loo eego dadka kale.

Bishii April illaa bishii September ee sanadkii tagay, 95 boqolkiiba dadkii ku xirnaa xabsiga Ferguson in kabadan laba maalin waxa ay ahaayeen madow.