Soomaaliya oo xirtay nin la raadinayay

Saraakiisha nabad sugida ee dowladda Federalka ee Somaliya ayaa waxay BBCda u xaqiijiyeen in ay gacanta ku hayaan mid ka mid ah dadka sida weyn uu doon doonayeen ciidamada sirta ee Mareykanka.

Ninkan oo lagu magacaabo Libaan Xaaji Maxamed ayaa la sheegay in uu ka soo baxay goboladda Jubbooyinka una soo socoday magaaladda Muqdishu marka ay ciidamada amaanku qabteen.

Waxayna saraakiishu sheegeen in ay dusha kala socodeen dhaqdhaqaayadiisa ninka oo ay Mareykanku ku tunhunsan yihiin in uu ka tirsan yahay Ururka Al shabaab iyo Al Qaadida, isla markaan waxay sheegeen in lacag Mareykanka uga ururin jiray ururadaasi.

Libaan oo ku noolaa waqooyiga gobolka Virgenia ayaa waxaa uu ahaan jiray tasiilay, waxuuna u soo wareegay Somaalya.

Ciidamada FBIda ee Mareykanka ayaa Libaan madaxiixa ku raadiyay kunton kun oo dollar haddii ay cidi suurogaliso ama keento war la xiiira in la soo xiro.