Jiiljiil ma kala sooci taqaan?

Lahaanshaha sawirka AFP

Haddii aad shaqadaada ka daashay ama aad rabto mid ka lacag badan, waxaa aad loo doodoonayaa shaqo laga yaabo in aad u guurto meel magaaladda ka baxsan?

Waxaa aad loo la' yahay cid kala taqaana sida loo kala sooco jiiljiilka dhadiga ah iyo kuwa labka ah, taas oo khatar weyn ku heysa ganacsiga digaagga ee dalkan Britain.

Qofka qibradda u leh howsha noocaan ah waxaa uu awood u leeyahay isagoo dhicanyo kala duwan ka fiirinaya in uu sheegi karo jiijiilku in uu lab yahay ama dhadig yahay.

Marka laga dubo in shaqadan mushaarkeedu uu yahay 60 kun oo dollar sanadkii, Golaha Digaagga Britian waxay sheegayaan in aad loo la' yahay qof shaqdan qaban kara.

Waxayna ka codsanayaan dowladda Britain in ay shaqadan ku darto shaqooyinka shaqaale la'aantu ka jirto ee dalka ka jira.

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxa Golaha Digaagga Britain, Andrew Large ayaa u sheegay BBCda in xirfadda loo baahan yahay shaqadani ay tahay mid gaar ah.

Waxaa uu sheegay doorka looga baahan yahay qofka qabanaya shaqadan ayaa waxaa uu yahay in uu u fiisado, u adkeysto iyo in uu u garaabo xayawaanka , isla markaana daryeelkooda ay ku dheeraato.

Waxaa intaa dheer buu yiri madaxu, in uu qofka saacad gudeheed uu kun jiiljiil u kala sooci karo dhadig ama lab, khaladkiisuna uu aad u yaraado.

Mr. Large waxaa kale oo uu sheegay in dhibku ka taagan tahay shaqada lafteeda oo ay dadku u arkaan in aysan aheyn wax wanaagsan in aad digaag dabadiis fiirso saacado badan.

Wadamada Koofur Bari Eeshiya, shaqadan waxaa loo arkaan in ay tahay mid aad u weyn. In kasta oo dalka Britain uu u baahan yahay boqol qof oo shaqadan qabta, hadda waxa banaan oo kaliya shan iyo toban ilaa iyo labaatan jago.

Lahaanshaha sawirka AFP

Qofka shaqadan qabanaya ayaa waxaa uu fariisanayaaa miis waxaa loo keeni saxaarado ay ka buuxaan jiil jiil maalin jir ah, waxaan loo baahan yahay in uu dabadooda fiiriyo si uu kala sooco kuwa dhadigga ah iyo kuwa labka ah.

Howshan waa muhiim maadaama jiiljiilkan dibadda loo dirayo si loo dhaqdo, marka dadka iibsanaya waxay u baahan yihiin digaag ukumo u dhala. Dhadig kaliya ayaa anfacaya oo loo baahan yahay.