France oo la isku heysto edbinta caruurta

Ururka ugu weyn ee Xuquuda Aadanaha ee Yurub ayaa xukumay in Faransiisku ku guuldareystay in uu mamnuuco dharbaaxida ciyaalka ay tahay mid jabineysa mid ka mid ah heshiisyada Yurub.

Gudiga Yurub oo aan awood u leyn in ay tilaabo ka qaadaan dowladaha ayaa sheegay in qaanuunka Faransiisku ee la xiriira ciqaabta caruurta uusan aheyd mid si wanaagsan u qeexan.

Waalidiinta Faransiiska ayaa qaanuunku u ogolyahay in ay edebsadaan caruurtooda, in kastoo ciqaab aan laga ogoleyn iskuuladda.

Wasiirka Qoyska ee Faransiiska,Laurence Rossignol oo hadashay xukunka ka hor ayaa sheegtay in aysan aaminsaneyn in dalka Faransiisku u baahan yahay qawaaniin la xiriirta edbinta ciyaalka.