Mareykanka oo ka hadlay wadahadalada Iran

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa bixiyay balanqaadyo la xiriira wadaxaajoodyda lala galay dalka Iiraan ee Barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Waxaa uu sheegay Mr. Kerry in heshiis kasta oo lala gaaro waa in ay qab ka noqoto in baaritaan xadigiisu aad u weyn yahay la sameyn karo si loo xaqiiqsado in Iiraan ay u hogaansato heshiiska.

Hadalkan xoghaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo baxay maalin ka dib markii uu dhaliil kulul ka jeediyay wadaxaajoodada lala galayo Iraan Ra'iisal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo sheegay in dhab ahaantii wadaxaajoodyada ay dhabaha u xaarayo in Iiraan ay sameysato hub Nukliyeer ah.

Mr. Kerry oo ka hadlayay dalka Switzerland markii uu dhamaday wareegii ugu danbeeyay ee wadahadalada ee saraakiisha ka dib waxay dhicyadu waxay sheegeen in horumar la gaaray.