Harrison Ford oo dayaarad la dhacday

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Harrison Ford wuxuu ahaa duuliye muddo dheer

Jilaaga caanka ah ee filimada Hollywood. Harrison Ford ayaa agu daweynayaa isbitaal ku yaal magaalada Los Angeles kaddib markii dayaarad yar oo uu waday au kula dul dhacday meel golf lagu cayaaro.

Harrison Ford oo toddobaatan iyo laba jir ah, ayaa ahaa duuliye muddo bada, waxaana uu keligii waday dayaarad yar oo hal matoor leh.

Waxaa cillad ay ka gashay matoorka dayaaradda, waxyar kaddib markii uu hawada galay, waxaana qasab ku noqotay inuu si deg deg ah dayaaradda u dejiyo.

Dadka cayaara Golf oo ay ku jireen laba dhakhtar ayaa ka soo dhex saaray dayaaradda burburkeeda.

Harrison Ford ayaa waxa dhaawac uu ka soo gaaray wejiga, laakiin wuu miirqabay. Dhaawaciisu ma ahan mid halis ah, waxaana la filayaa inuu si buuxda uga soo bogsado.