Dowladda oo xirxirtay saraakiil sar sare

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu xirayo 12 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Sida ay BBC u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah waxaa ilaa hadda la xiray 9 sarkaal oo ka mid ah 12 la amray in la soo xiro.

Lama garanaya sababta loo xiray saraakiisha dowladda oo isugu jira Jeneraallo iyo korneylo waxaase wararka ay BBC heshay ay sheegayaan in loo heysto in ay sahleen ama ay fududeeyeen qaraxii ka dhacay afaafka hotelka SYL oo ay daganayaan madax Turki ah oo horudhac u ahaa booqashadii Madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ku tagay Muqdisho maalin ka hor markii uu qaraxaasu dhacay.

Ma jirto weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda oo la xiriira xarigga saraakiishan.