Saraakiil loo xirxiray weerarkii hotel SYL

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Weerarka hotel SYL waxaa ku dhintay saddex qof

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa xirxiray saraakiil sare sare oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kaddib markii lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen al-Shabaab.

Laba iyo toban sarkaal ayaa baaritaan uu ku socdaa, waxaana lagu eedeeyay inay gacan ka siiyeen al-Shabaab weerarkii ka dhacay hotelka SYL ee ku yaal magaalada Muqdisho, kaasi oo dhacay bishii Janaayo.

Wufuud ka socota dalka Turkiga ayaa joogay hotelka ka hor booqashadii uu ku tagay halkaasi Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Saddex qof ayaa lagu dilay weerarkaasi qaraxa ah oo ay sheegteen al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo gacan ka heleysa kuwa Midowga Afrika ayaa isku dayaysa inay ka adkaato al-Shabaab.