Heshiiska South Sudan oo fashilmay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha South Sudan Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha mucaaradka Riek Machar

Is-mariwaa ayaa hareeyey wadahadaladii looga golahaa in lagu soo afjaro colaadda 14 bilood jirsatay ee ka taagan wadanka South Sudan.

Madaxweyne Silva Kiir iyo hoggaamiyaha falaagada Riyaq Mashar ayaa ku guul daraystay in ay heshiis ka gaaraan sidii ay awooda u qeybsan lahayeen, iyadoo saacada yar un ay ka harsanyihiin waqtigii kama dambeysta ahaa ee loo qabtay in ay heshiis ku gaaraan..

Waqtigaasi kama dambaeysta ah waxa u qabtay Urur goboleedka IGAD oo dhaxdhaxaadinaya labada dhinac.

Maalintii talaadada, golaha amaanka ee QM waxa uu meel mariyey qorshayaal cunaqabateen ah oo lagu bartilmaameedsanayo shaqsiyaadka looga shakinayo in ay is-hortaagayaan hanaanka nabada ee dalkaasi South Sudan.