Xaaladda Tikrit oo laga walaacsan yahay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mid ka mid ah maliishiyada Shiicada ee ka dagaallamaya Ciraaq

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq, iyadoo ciidanka dowladda ay maalintii afraad weerar ku hayaan magaalada si ay dib ugu qabsadaan.

Qaramada Midoobay ayaa dirtay kolonyo baabuur ah oo sahay u sida kumanaan dad ah oo la aaminsan yahay inay ku barakaceen magaalada oo ay heystaan kooxda la baxday Dowladda Islaamiga.

Aqalka Cad iyo hey'adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa ka digayay halista ka dhalan karta aargudasho ay sameeyaan maliishiyooyinka Shiicada ah ee Iran ay taageerto, kuwaasi oo door weyn ka cayaaraya dagaalka.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegaya in dowladdu ay dooneyso inay hareereyso, gabi ahaanna ay go'doomiso magaalada Tikrit iyo meelaha u dhaw dhaw ka hor inta aanay xoog ku galin.