45 qof la sheegay in lagu dilay Nigeria

Image caption Booko Xaaraam waxay dagaal kula jirtaa dowladda Nigeria

Ugu yaraan afartan iyo shan qof ayaa lagu dilay waqooyiga bari ee dalka Nigeria.

Waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen kooxda Islaamiga ee dagaallanta Nigeria Boko Xaaraam.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay soo weerareen tuulada Njaba oo gobolka Borno waaberigii maalintii Talaadada, halkaasi oo ay ku dileen niman waaweyn iyo wiilal yaryar.

Tuulada ayaa waxay u dhawdahay magaalada Damboa, oo ilaa boqol kiilo mitir u jirta magaalada caasimad gobolleedka ah ee Maiduguri.

Warkan ayaa soo baxay hadda uun taasi oo sabab ay u tahay dhulka dhibaatadu ka dhacday oo fog iyo isgaarsiinta oo liidata.