AU: dawlad KMG haloo sameeyo South Sudan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption colaada South Sudan 14 bilood ayay socotaa

Warbixin qabyo ah oo la soo dusiyay oo ku saabsan colaada South Sudan oo ka soo baxday Midowga Africa ayaa ku baaqaysa in la sameeyo dawlad kumeel gaar ah oo aysan qayb ka ahayn madaxweynaha iyo ku xigeenkiisii hore.

Waxa ay soo jeedinaysaa in maamulkaasi la hoos geeyo Midowga Africa.

Madaxweyna Salva Kiir iyo kuxigiinkiisa hore Riek Machar, ayaa ku guul daraystay in ay heshiis nabadeed gaaraan maalintii Khamiista oo ahayd wakhtigii kama damabysta ee loo qabtay.

Midowga Africa waxaa lagu waday in warbixintan uu soo hordhiga kullan madaxeedka dhacay bishii Januray, balse shaacinteeda ayaa dib loo dhigay.

Itoobiya oo hoggaaminaysay wadaxaajoodyada ayaa cambaaraysay labada hoggaamiye, waxa ayna sheegtay in guul-darrada ay hoorseedi doonta oo kali ah dagaalo iyo dhibaato hor leh.

Tobanaan kun oo qof ayaa ku dhimatay, 1.5 milyan weey ku barakaceen colaada ka taagnayd dalkaasi tan iyo bishii December 2013-kii