Zakariya Ismaaciil oo liiska argegixisada US laga saaray

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Sakariye Ismaaciil Xirsi waxaa dhowaan lagu qabtay gobolka Gedo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweyneyso go'aan ay sheegtay in Mareykanku kaga saaray liiska dadka madaxooda abaalmarinta la dul dhigay, Sakariye Ismaaciil Xirsi, oo al-Shabaab ka tirsanaan jiray, haddana la shaqeeya dowladda.

Hadal saxaafadda loogu tala galay oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in talaabadan ay ka dambeysey wadaxaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Sakariya Ismaaciil sida hadalka loo dhigay.

Waxaa lagu sheegay hadalkaasi in Sakariye go'aanka uu qaatey ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabaab sida lagu sheegay qoraalkaasi.

Sakariya Ismaaciil waxaa uu ku jiray liiska madaxda al-Shabaab ee Mareykanku dul dhigay malaayiinta dollar, waxaana dulsaarnaa madaxiisa saddex milyan oo dollar.