Doorashada Somaliland oo dib loo dhigay

Siilaanyo Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Doorashooyinka dib loo dhigay waxay xilka u kordhinaysaa madaxweyne Siilaanyo

Magaalada Hargeysa , gudiga doorashada Somaliland ayaa maanta rasmi ahaan ugu dhawaaqay in diiwaangelinta codbixayaasha oo sharci u ah si doorasho u dhacda ay ka bilaabayaan dabayaaqada July 2015.

Gudiga doorashada oo ay weheliyeen wakiilo ka socda sadeexda xisbi ee ka jira somaliland UCID, Kulmiye iyo Waddani ayaa waxay kaloo sheegeen inay muddo sagaal bilood ah ku dhamaystirayaan hawlaha diiwaangelinta laga bilaabo maanta.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka Saciid Cali Muuse, oo ku dhawaqey go'aamada guddiga ayaa sheegay in iyagu aanay ka hadlayn dib u dhigidda doorashada.

Doorashada Somaliland ayaa la filayay in la qabto 26-da bisha June ee sanadkan, balse waxaa haatan la filayaa in muddo sanad ah dib u dhacdo, kaddib isbaddelada cusub ee lagu dhawaaqey.