Xaaska Laurent Gbagbo oo 20 sano la xukumay

Ivory Coast Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Simon Gbagbo ayaa loo haystaa rabshadihii Ivory Coast ka dhacay 2010-kii

Maxkamad ku taalla Ivory Coast ayaa ku xukuntay xaaska madaxweynihii hore ee dalkaas Simone Gbagbo 20 sano oo xarig ah.

Waxaa lagu helay inay kaalin ay ku lahayd rabshadihii ka dambeeyey doorashadii madaxweynenimada ee 2010.

Ku dhowaad 3,000 kun oo qof ayaa ku dhimatay qalalaasaha dalkaasi, kaddib markii madaxweynihii xilligaasi Laurent Gbagbo uu diiday inuu aqbalo guul darradii ka raacday codbixinta.

Laurent Gbagbo wuxuu ku wajahayaa dambiyo ka dhan ah aadanaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee The Hague.