Nigeria: 5 ku dhimatay weerar is-qarxin.

Qof is-qarxiyay ayaa weeraray suuq ku yaal magaalada waqooyiga Nigeria ee Maiduguri.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof uu ku jiro qofka is-qarxiyay ay ku dhinteen.

Isla suuqaas ayaa la weeraray sabtigii halkasi oo ku dhawaad lixdan ay ku dhinteen qaraxyo isxigay oo ka dhacay magaalada.

Weeraradan ayaa lagu eedeeyay kooxda Boko Haram kuwaasi oo xaruntoodii hore ay aheyd Maiduguri.

Ciidamada militeriga Nigeria - oo ay taageerayan ciidamo ka socda Chad, Cameroon iyo Niger - ayaa weeraro ku qaaday xagjiriinta oo haysta qeybo ka mid ah waqooyi bari Nigeria.