Weerarka Baydhabo oo 10 ku dhimatay

Sharif Xasan Lahaanshaha sawirka other
Image caption Sharif Xasan ayaa dhawaan loo doortay madaxweynaha koonfur galbeed

Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaadday xarunta maammulka koonfur-galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed, Cabdifataax Xasan Geesey, ayaa BBC u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan saddexda ruux ee weerarka soo qaadday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarku socday muddo ku dhaw saacad.

Dableyda weerarka soo qaadday ayaa la sheegay inay xirnaayeen lebiska milateriga Soomaaliya.

Madaxweynaha koonfur-galbeed, Sharif Xasan Sheekh Adan, ayaa haatan ku sugan magaalada Baydhabo.