Daacish waxay haysataa hub "kiimika ah"

Daacish Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Daacish ayaa qabsatay dhul ballaaran oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq

BBC ayaa aragtay caddayn muujinaysa in Daacish ay gaaska Koloriinka u isticmaalayaan hub ay uga dagaallamaan Ciraaq.

Xukuumadda Ciraaq ayaa sheegtay in xaddi yar oo kiimikadaas ah loo isticmaalay Bambooyinka waddada dhinaceeda la dhigo.

Waxaa lagu bartilmaameedsadaa ciidanka Ciraaq ee isku dayaya inay Daacish ka saaraan Tikrit.

Ururka Daacish ayaa sanadkii hore qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya.