Iran oo lagu cambaareeyay "dhiirrigelinta" dhalmada

Iran Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Iran ayaa soo jeedisay sharci fasaxayo dhalmada

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay isku day ay Iran ku dhiirrigalinayso in dumarku ay carruur badan dhalaan.

Xeer la soo jeediyey ayaa qayrul sharci ka dhigaya in la faafiyo wacyigelinta la xiriirta xakamaynta dhalmada.

Waxaa kale oo hindise sharcigaasi mamnuucayaa in dumarku isku sameeyaan qalliin dhalmada looga joojinayo.

Waxaa sidoo kale la hindisay sharci kale oo dumarka ku adkaynaya inay shaqo helaan haddii aysan carruur lahayn, wuxuuna adkaynayaa furriinka.

Hay'adda Amnesty ayaa sheegtay in arrintaasi ay xadgudub ku tahay xuquuqda dumarka.

Siyaasadda Iran ayaa horey ku salaysnayd in la yareeyo dhalmada, balse haatan isbaddel ayaa ku yimid, oo waxay mas'uuliyiintu walwal ku dhaliyay dhalmadii oo yaraatay.