Dowladda Ciraaq oo badi Tikrit qabsatay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Saraakiil Ciraaq ah ayaa sheegay inay badi qabsadeen magalada waqooyi bari Tikrti oo ay dib u qabsashadeeda kula dagaalamayaan kooxda Daacish.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo taagero ka helaya maleeshiyaadka Shiicada iyo dagaalamayaasha qabaa'ilka ay sureen calanka Ciraaq isbitaalka militeri ee Qadisiyah oo magaalada ugu weyn.

Ciidamada dowladda aya ilaa hadda ku guuldareystay inay horumar ka sameeyaan koonfurta iyo galbeedka magaalada Tikrit.

Howlgalka dib loogu qabsanayo magaalada, uu ku dhashay Sadaam Xuseen, ayaa ah weerarkii ugu weynaa ay dowladda Ciraaq ku qaado Daacish.