Bangladesh: 8 ku dhimatay dhismo burburay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Sideed ruux ayaa ilaa iyo haatan la ogyahay dhimashadooda sida ay sheegeen badbaadiyayaal jooga Bangladesh kaddib markii dhismo dabaqyo ah uu burburay intii la dhisayay.

Ku dhawaad todobaatan shaqaale ah ayaa ku jiray gudaha dhismaha oo ah warshad sibirka sameysa oo ku taal magaalda dekadda ee Mongla markii uu saqafka soo dhacay.

Ilaa lixdan ayaa haatan la badbaadiyay iyadoo inta badan la geeyay isbitaalka.

Dhismaha oo ay leeyihiin ciidamada ayey saraakiisha sheegayaan in shirkadda dhiseysay ay Shiinees tahay. Bangladesh ayaa lagu yaqaan taariikh dhismo xumo.

Kun iyo boqol shaqaalaha dharka ayaa dhintay markii warshadii ay ka ka shaqeynayeen oo ku taal dibadda Dhaka ay burburtay labo sano ka hor.