Diyaarad drone ah oo dishay sarkaal al-Shabab ah

Lahaanshaha sawirka AFP

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabab lagu dilay weerar diyaarad daroon ah.

Sarkaalka oo la yiraahdo Aadan Garaar, ayaa wararku sheegayaan in la weeraray kadib markii uu ka baxay magaalada Baardheere uuna ku dhintay weerarka oo ka dhacay meel dibedda ka ah magaalada.

Aadan, ayaa la sheegaya in uu hogaaminayay dhinaca tas-hiilaadka howlgalkii kooxda al-Shabab ku qaadday dhismaha dukaamada Westgate ee magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof bishii October ee sanadkii 2013.

Al-Shabab si rasmi ah uma xaqiijin dilka sarkaalka, balse xoggo ku dhow dhow ayaa muujinaya in sarkaalku ku dhintay weerarka.

Maamulka gobolka Gedo ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay la socdaan dilka Aadan Garaar, hase yeeshee ilaa hadda lama xaqiijin cidda iska leh diyaarad weerarka qaadday.