Hay'ado warbixin ka soo saaray xaaladda Suuriya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hay'aduhu waxa ay sheegeen in gargaarka uusan gaarin dadka tabaalaysan.

Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen in ka badan labaatan hay'adood oo ah kuwa ka shaqeeya samafalka iyo arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ku eedeeysay in uu ku guul-darraystay in uu wax u qabto shacabka reer Suuriya ee ay colaadda la degtay.

Warbixintani oo ay soo saareen hay'ado ay ku jiraan Save the children iyo Oxfam ayaa waxaa lagu xusay sanad guuradii afaraad ee ka soo wareegtay billowgii colaadda dalkaasi Suuriya.

Hay’adahani ayaa cambaareeyay quwadaha caalamka oo ay sheegeen in ay ku guul-daraysteen in ay dhaqan geliyaan qaraarada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey si gargaarka loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2014-ka ayaa warbixintu waxa ay ku sheegtay in uu ahaa sanadkii ugu xumaa ee soo mara dadka dalkaasi Suuriya, waxaana dalkaasi ku daatay dhiig aad u badan.