Boko Xaraam oo ku "biirtay" Daacish

Shekhau Lahaanshaha sawirka Boko Haram Twitter
Image caption Hoggaamiyaha Boko Xaraam ayaa sheegay inuu adeeci doono Daacish

Daacish ayaa u muuqata inay oggolaatay yabooh is gaashaanbuursi ah oo kaga yimid kooxda Boko Xaraam.

Waxay soo saareen codka nin la yirahdo Abuu Maxamed Al-Cadnaani oo sheeganaya in uu u hadlaya hoggaamiyaha kooxdaasi Abuu Bakar Al-Baqdaadi oo sheegay in uu soo dhaweynaya adeecidda walaalahooda.

Farriintaasi si madax bannaan looma xaqiijinin.

Boko Xaraam waxay Sabtigii la soo dhaafay boggeeda twitter-ka ku sheegtay in ay adeeceyso ururka khilaafada islaamka ee loo yeqaanno Daacish.