Dagaal ba'an oo ka socda magaalada Tikrit

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa gacan ka helaya maleeshiyaad Shiico ah si ay Daacish uga takhluusaan.

Ciidanka Ciraaq ayaa galay dagaal culus oo ay kooxda daacish uga saarayaan Tikrit, oo ah magaalada uu ka soo jeedo hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Saadaam Xuseen.

Taliyaha mid ka mid ah guutooyinka shiicada ee isku dayaya inay hareereeyaan Tikrit ayaa u sheegay wariye BBC-da ka tirsan in dagaalyahannada Daacish ay weli gacanta ku hayaan qiyaastii 70% magaalada.

Laakinse wuxuu sheegay in xoogaggiisu ay rajaynayaan in ay magaalada ku qabsadaan usbuuc gudihiis, xitaa haddii ay arrintaas ku lug yeelato dagaallo jidadka lagu galo.

Wariyaha BBC ayaa sheegaya in haddii Daacish lagu jebiyo bartamaha dhulka ay degaan Sunniyiinta ee Ciraaq, ay mintidiinta soo gaarayaan dharbaaxooyin isugu jira kuwo maskaxeed iyo kuwo istaraatijiyadeed.