Al-Shabaab oo sheegtay weerarka Mandera

Shabaab
Image caption Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka Mandera

Wararka ka imaanaya Mandera ayaa sheegaya in kolonyo baabuur ah oo uu la socday guddoomiyaha degaanka Mandhera, Cali Roba, la weeraray.

Waxaa uu weerarka ka dhacay meel u dhaw degmada Carabiya.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay inay afar askeri ku dileen weerarkaasi.

Cali Roba ayaa la sheegay inuu ka badbaaday weerarkaasi.