Britain oo ka hadashay gudniinka fircooniga

Image caption Haweeneey gudayso gabar yar

Xubno ka tirsan baarlamaanka Britain ayaa ku dhaleeceeyay booliiska iyo masuuliyiinta caafimaadka inay ku guuldareysteen inay wax ka qabtaan oo maxkamad la soo taago dadka fuliya gudniinka fircooinga.

Xildhibaanadan oo ka tirsan Guddiga Baarlamanka u qaabilsan arrimaha gudaha Waxay sheegeen in uusan jirin qof si guul leh ay maxkamda dambi ugu heshay inkastoo la aaminsanyahay in ay jiraan kumanaan kiisas oo gudniinka.

Guddigu waxa uu sheegay in dhakhaatiirta lagu dhiirigeliyo inay u soo sheegaan baliiska kiisaska looga shakiyay, isla markaana dacwad lagu soo oogo haddii ay ku guuldareystaan inay sidaa sameeyaan.