Natiijada doorashada Isreal

Lahaanshaha sawirka Reuters

Goobaha codbixinta ayaa xirmay ee doorashadii tartamayaashu isugu dhowaayeen muddo sanado ah.

Ra'iisul wasaaraha talada haya, Benjamin Netenyahu ayaa rajaynaya in uu mar afaraad qabto xilka, balse xisbigiisa Likud ayaa ka dambeeya isbahaysiga bidix-dhexe daraasaddii hordhaca ahayd ee la sameeyay.

U soo bixidda codaynta ayaa aad u saraysay, iyadoo natiijada la filayo in aad la isugu dhowaado. Taasoo suurtagalin karta in maalmo hadii aysan todobaadyoba noqon oo hardan siyaasadeed ah si dowlad cusub loo soo dhiso.

Mr Netanyahu ayaa ololihiisu wuxuu diiradda ku saaray amniga qaranka, halka midowga mucaaradku ay diiradda ku saarayaan dhibaatooyinka dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha