Kurdiyiinta Ciraaq oo ka cabsi qabo Shiicada

Kurdiyiinta Ciraaq Lahaanshaha sawirka
Image caption Kurdiyiinta Ciraaq ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah Daacish

Sarkaal sare oo ka tirsan xooggaga Kurdiyiinta ee ku sugan Waqooyiga Ciraaq, ayaa ka digay in maleeshiyaadka Shiicada ah ee qeybta ka ah duulaanka Daacish looga qabsanayo magaalada Tikrit.

Waxaa uu sheegay in arrintaasi ay keeni karaan khatar ka darran tan hadda jirta.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Masrour Barzani, ayaa BBC-da u sheegay in maleeshiyaadkaasi ay uga sii dari karaan xiisadda hadda ka dhex taagan Suniyiinta iyo Shiicada Ciraaq.

Ururka Daacish ayaa ka taliyo dhul ballaaran oo ay deggan yihiin Sunniyiinta Ciraaq, iyadoo maleeshiyaadka Shiicada ay haatan qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah ururkaasi.