Hoggaamiyaha Ikhwaanka Masar oo dil lagu xukumay

Maxamad Badiic Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Badiic ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray Maxamad Mursi

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic.

Waxaa lala xukumay 13 ruux oo kale oo iyaguna ka tirsan ururkaasi.

Ikhwaanul Muslimiinka ayaa Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamad Mursi.

Badiic iyo taageerayaashiisa waxaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda.

Arrintan ayaa haatan loo gudbiyay muftiga dalkaasi, oo go'an ka soo saari doono.

Maxkamad kale ayaa horey dil ugu xukuntay Badiic, balse waxaa gadaal dambe loo baddalay xabsi daa'im.